Wednesday, 1 February 2012

FEBARAAYO: Waa Bil Soomaalidda Ogaadeenya Xasuus murugo & mid farxadeedba u xambaarsan oo aan la iloobi karin!!!.

Feb 1, 2012 (QOL) Dhacdo walba oo aduunka ka dhacda waxay leedahay wax lagu xasuusto taas oo umadda dambe qasab ku tahay in ogaadaan wixii xiligaas dhacay waxayna dadka aan markaas joogin u keenaysaa in la socdaan Bisha Febaraayo waa bin taariikh u leh dhamaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya, waana bil kulmisay waxyaabo badan Hdaba Warbaahinta Qorahay Online ayaa soo uruurisay wax yaabihii ugu muhiimsanaa ee bishaas dhacay sanadkii 1994.
Bisha Febaraayo waxay kulmisaa maalmo xusuus iyo qadarin ka mudan shacbiga Soomalida Ogaadenya Bishan gudaheeda waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo taariikhda dalka Ogaadenya baal muhiim ah ka galay, maalmahaas qaar waxay leeyihiin murugo, qaara farxad, qaara labadaba way isku darsadeen.
Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka mid ah maalmahaas.
10 Febraayo 1994 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe Marxuum Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane.
06 Febraayo 1994 Waxay sidoo kale Ciidamada Gumaysiga Itoobiya magaalada Wardheer ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey wuxuu horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho Odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda oo ahaa in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.
17 Febraayo 1994 Waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti laga qaado dadkooda.
12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo Marxuum Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan, arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.
12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse Ibrahim iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii Joornaalkii la odhan jiray Sheeko & Shaahid.
15 Febraayo 1994 Waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadeenya, Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadeenya waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadeenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin.
Go’aanka Baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadeenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doorteen kalsoonina ka haystay dadwaynaha, sidoo kale go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadeenya.
17 Febraayo 1994 Waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go’aankii Barlamanbka isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar, isla Badhtamihii Febraayo 1994 Ururkii ONLF Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Itoobiya.
22 Febraayo 1994 Waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday in dadwaynaha afti la waydiiyo sidoo kale waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Allah ha u naxariistee Marxuum Sheikh Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.
Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba, Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada Wardheer waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.
Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed iyo Murugo labadaba waxay huwan yihiin murugo marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo waliba burburkii dhismayaashii Magaaladda iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre, Qalaafe iyo Dhagaxbuur, dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda u qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya u difaaceen madaxdii iyo magacii umadda.
Waxay noqotay arrin lagu faani karo taariikhdana gashay sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kuwii ay wateen Ciidamada Itoobiya ay u difaaceen Magaaladda iyo madaxdii shacbiga, inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halkaas ayna mudan yihiin in loo murugoodo haddana waxaa dhinca kale garab taagan geesinimada iyo sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.
Bisha Febraayo taariikhdaas ayay kulmisaa waxayna shacbiga Ogaadeenya ku xusaan bishaan hab Murugo iyo Farxad labadaba leh waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogaadeenya.
The Board
ORC-Kenya

No comments:

Post a Comment